​Farole oo ka hadlay shirka ay la qaateen Michael Keating

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxman Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa ka hadlay kulan ay la qaateen Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating, wuxuuna sheegay inay ula tageen qoraal ka hadlay waxyaabaha la isku hayo ee khuseeya doorashada dalka Somalia 2016 ka dhacaysa. 

Farole, wuxuu tilmaamay in qoraalkooda ku muujiyeen in dowladda Somalia ku fashilantay hogaaminta dalka islamarkaana nidaamkan uusan ahayn mid la aqbali karo, maadama dowladda hadda Somalia ka talisa laga sugayay in dalka gaarsiiyo doorasho cod iyo qof ah, balse taa badalkeeda ku laabatay habka qabaliga ah ee laga soo gudbay. 

Nidaamka 4.5, ayuu madaxweynihii hore sheegay inuu yahay olole ay wataan hogaamiyaasha ku fashilmay siyaasadda dalka, isagoo xusay intii karaamkooda ah inay ka shaqeeyeen maslaxadda iyo hormarka umadda Somaliyeed. 

Wuxuu intaas ku daray in dhammaan shacabka iyo dowladda Puntland isku mowqif ka yihiin arrinta ku addan doorashada dalka iyo habka ay isku raaceen dowladda Federalka, beesha caalamka iyo maamullada dalka qaybtood, wuxuuna Farole ku sifeeyay qaadashada habkan ee maamulka Jubbaland inay sababtay duruufaha ku xeeran ee aysan shacabku raali ka ahayn. 

Hadalka Madaxweynihii hore Puntland ayaa kusoo beegmay xilli magalada Garowe kasocdaan kulamo u dhaxeeya bulshada qaybaheeda kala duwan iyo wafdiga kasocda beesha calamka, waxaana shirarkaasi salka ku hayaan qaabkii dadka reer Puntland looga dhaadhicin lahaa inay qaataan 4.5, waloow dhammaan xubnihii uu la kulmay Keating ay qaateen mowqif isku mid ah. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM