Farole oo ka tacsiyeeyay Geerida Maxamed Abshir Muuse [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole ayaa tacsi ka diray geeridii ku timid ALLAH ha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Muuse Mataan oo xalay ku geeriyooday waddanka Maraykanka.

"Waxaan rabaa inaan ka tacsiyeeyo geeridii naxdinta lahayd ee xalay naloo soo sheegay oo ku timid General Maxamed Abshir Muuse Mataan oo xalay ku geeriyooday waddanka Maraykanka gobolka Minisoota xalay oo khamiis ahayd fiidkii naloo soo sheegay ayaan rabaa inaan ka tacsiyeeyo oo aan u tacsiyeeyo ehelkii, qaraabadii iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan." Ayuu yiri Farole oo la hadlayay Radio Garowe.

Farole ayaa RABBI naxariis u weydiiyay marxuumka isagoo ku tilmaamay inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo magac ku lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Senatoorka ayaa sidoo kale aad uga waramay taariikhda marxuumka wuxuu tilmaamay inuu ahaa wadani, nabadoon iyo qof usoo halgamay umadda Soomaaliyeed kaasoo waliba xabsi ku xirnaan 12 sano.

Cabdiraxmaan Farole ayaa sidoo kale sheegay in marxuumka uu ku jiray nabadoonadii ku sugnaa Muqdisho ee ka shaqaynayay sidii Soomaalida looga bad-baadin lahaa inay is-laayaan.

Halkaan ka dhageyso codka Senator Farole

ALLAH ha u naxariistee Marxuumka ayaa soo noqday taliyihii ugu horeeyay ciidamada, Booliska sidoo kale wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee daradaja Jeneraalka ku qaata da'da ugu yar 32.

HALKAN KA AKHRISO TAARIIKHDA MARXUUMKA OO KOOBAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM