​Farole oo tacsi ka diray Geerida Nabadoon Af-cadde

Image

Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa tacsi kadiray Geerida shalay 29 Febraayo kutimi Allaha u naxariisteen Nabadoon Xassan Cuuke Afcadde, isagoo qoyskii, ehelkii iyo bulshada Puntland ee uu ka baxay u rajeeyay in EEBBE samir iyo iimaan ka siiyo.

Farole, wuxuu ku tilmaamay  marxuumka inuu ahaa shakhsi muhiim ahaa oo ka baxay bulshada isagoo ku sifeeyay dadka fara kutiriska ah ee maslaxadda umadda u taagnaa.

Madaxweynihii hore, ayaa tacsi khaas ah u diray carruurtiisa iyo xaasaskii uu ka tagay, gaar ahaan Cismaan Cuuke Afcade.

Marxuumka aya shalay ku geeriyooda magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, isagoo isla shalay halkaasi lagu aasay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM