Faysal Waraabe oo eedeeyey kulanka Muqdishu ka socda

Image

HARGEYSA 14 Dec, 2015 (GO)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Ucid Faysal Cali-waraabe, ayaa si adag uga hadlay shirarka dib lagu  eegayo qaabka ay noqon doonto doorashada la filayo inay Somalia ka dhacdo sanadka 2016, waxana uu cadeeyey inaanay Somaliland arrintaas qayb ka noqon doonin.

Faysal Cali-waraabe oo maanta Saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in doorkii shirkaasi ku lahaayeen dadka Soomaalida lagu wareejiyey dad ajaanib ah, waxana uu nasiibdarro ku tilmaamay tayo la’aanta maamul-goboleedyada Soomaalida oo sii badanaya. "

qaddiyaddan Soomaalidu waa laga afduubay taladeediina waa laga qaatay, dalkoodiina waa la haystaa oo runtii Soomaaliya maanta waddana xor ah ma aha. mashruucan dawlad-u-dhiska Somalia waa mashruuc dusha ka hareeraysan oo ajanabi lagula saaxiibay, isla-markaana Road-map la samaytay oo ciidamo shisheeye loo samaystay, waxaasina maamul-goboleed samayn ma ahee waa maamul beeleed samayn” ayuu yidhi Faysal Cali-Waralbe. 

Gudoomiyaha xisbiga UCID waxa uu ka digay qorsheyaal  la doonayo in gobollada bariga Somaliland ee Sool iyo Sanaag lagaga sameeyo Maamul-goboleedyo cusub. 

“Maamul-goboleedyadii baa batay  oo lagu tartamay, iminkana  waxa ay maraysaa in qolo tidhaahdo maamul-goboleedka aynu badsano oo aynu Sool iyo Sanaag  ka sameyno, laakiin hore waxan u idhi Sool iyo Sanaag ma aha sida dadka Jubooyinka ee ajaanibka loo soo kaxaysan karo.” 

Ugu dambayntii Faysal Cali-waraabe, waxa uu dhaliilay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Silaanyo, waxaana uu tilmaamay inay hoos u dhigtay meeqaamkii Somaliland hore u joogtay, isagoo ku eedeeyey arrimo musuq-maasuq. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM