Gaalkacayo: labo baalleyaasha cadceeda ku shaqeeya ah oo la qarxiyey

Image

November 21, 2014 (GO)- Labo kamid ah baalleyaasha layrka  ku shaqeeya cadceeda ee dhowaan lagu xiray jidka aada garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacayo ayaa burburay kadib markii la qarxiyey goor hore oo saaka ahayd.

Qaraxa marka laga reebo labada baalle ee uu dhulka dhigay ma jirto khasaare kale oo ka dhashay. Booliska oo goobta soo gaarey ayaan ku guuleysan inay falkaas cidna usoo qabtaan.

Ammaanka magaalada Gaalkacayo ayaa soo xumaanayey todobaadyadii u dambeeyey, waxayna arintani kusoo aadeysaa saddex maalmood kadib markii isla magaaladaas lagu diley Weriye Cabdirisaaq Cali Cabdi Silver.

Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Puntland Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) oo shalay magaalada Garowe shir-jaraa'id ku qabtay, wuxuu sheegay in la bilaabayo hawlgal baahsan oo ammaanka lagu xaqiijinayo islamarkaana lagu qabqabanayo xubno ka tirsan Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM