Madaxweyne Gaas oo ka hadley maalinta calanka Somalia [Dhagayso]

Image

12 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa diray hambalyo ku aadan 61 sano guuradii ka soo wareegtay xilligii la taagay calanka Somalia.

‘’Halkaan waxaan rabaa inaan hambalyo uga diro umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan , taasi oo ku aadan maalintii la sameeyey calanka Soomaaliya ‘’ Ayuu yiri Madaxweynahu.

Gaas ayaa nasiib daro ku tilmaamay inaan la gaarin hadafkii iyo himilooyinka qabeen shacabka Somaliyeed xilligii la taagayay calanka Somalia, wuxuuna ALLA u baryay hindisa calanka Maxamed Cawale Liibaan.

‘’ Calankaasi waxaa uu noqday hadana yahay astaanta midnimada qaranka Somalia, mar walba waxaan qabnaa rajo ah in umadda Somaliyeed dib isugu soo noqdaan , rajooyinkii iyo himilooyinkii ay umadda Somaliyeed 60-dan sano ka hor qabeena inay u rumowdo ayaan rajeyn ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan umadda Somaliyeed ugu baaqay in midnimadooda iyo wada jirkooda ka shaqeeyaan , dhibaatooyinkii laga dhaxlay dagaalada sokeeyana layska cafiyo , si meesha uga baxdo kala tafaraaruqa jira.

61 sano guurada calanka ayaa laga xusay qaybo ka mid ah Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM