Ganacsade caan ah oo lagu diley magaalada Bosaso

Image

Nov 4,2014 [GO]- Waxaa caawa fiidkii koox dabley ah oo hubeysan ku dileen magaalada Bosaso ganacsade Yusuf Caalim xili uu ku sugnaa Hotel Karama sidaas waxaa warsidaha Garowe Online u sheegey goob joogayaal ku sugnaa halka uu falkaas ka dhacey.

Goob joogayaashaan ayaa sheegey in AHN Yusuf Caalim marka uu falkaan dhacayey uu taleefan ula soo baxey dibadda Hotelka isagoo ku socdey gaarisgiisa balse kooxdaan dableyda oo goobta ka baxsatey toogasho ku dileen

AHN Yusuf Caalim oo la dhashey Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga Cabdi Jamal ayaa wararku sheegayaan inuu dhowan booqasho ku tagey degaanka Galgala halkaasoo dhalsho ahaan uu kasoo jeedo.

Degaanka Galgala ayaa ciidamada amniga dhowaan ka xoreeyeen Al-shabaab oo halkaas ku dhuumaaleysta iyadoo dadka aqoonta u leh dilalkaan noocaan oo kale ah xusayaan in falkaan ka dambeeyaan kooxdaan.

Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa wareysi uu dhowaan siiyey talifishinka Somali Chanel sheegey in xukuumadiisa hoos u dhigtey dilalka lala beegsado dadka muhiimka u ah bulshada Puntland.

Horaantii Biishii August, 2014 kooxdaan ayaa qarax is-miidaamin ah ku dishey taliyihii qaybta gobolka Barri AHN Cabdiraxman Cali Cabas Muslim.

Ururka Al-shabaab oo dhowaan laga eryey degaanka Galgala ayaa wararka laga helayo sheegayaan iney ku dhuumaleysanayaan dhul buuraley ah oo fog iyagoo magaalada Bosaso u direy kooxo ugaarsada dadka dagaalka lagula jiro qaybta ka ah.

Khabiir ku xeel dheer arrimaha amniga Somalia gaar ahaan Puntland ayaa warsidaha Garowe Online u sheegey in hab dhaqankaan kooxdaan yahay iney howlagalo dhuumaaleysi ah ka fuliyaan magaaloyinka waaweyn marka looga adkaado goobaha dagaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM