Ganacsatada Jubbaland oo beenisay eedeynta dhuxusha

Image

October 23, 2014 (GO)-Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Shaafi Raabbi Kaahin ayaa markii u horeysay ka hadlay eedeynta kooxda dabagalka QM u qaabilsan Somalia & Ertria.

Edeymahaas ayaa waxaa kamid ahaa in deeganada Jubbooyinka ay wali ka socoto dhoofinta dhuxusha iyo ka ganacsigeeda oo ay QM kol hore mamnuucday.

Sidoo kale Ganacsatada Jubbooyinka ayaa lagu eedeeyay inay lacago u urruuriyeen maamulka Jubbaland kaddibna uu hub iyo gaadiid dagaal maamulka kusoo gatay lacagtaa.

Shaafi ayaa gebi ahaan beeniyay warbixinta ay kooxdu soo saartay isagoo ku tilmaamay  in macluumaadka ay sheegto uu yahay mid ka fog xaqiiqda.

Waxaa uu been abuur ku tilmaamay inay lacago maamulka u uruuriyeen ama ay ku deeqeen.

Raabbi ayaa xusay inay ka guddi ahaan qeyb lixaad leh ka qaateen wacyi gelkinta joojinta dhuxusha si loo ilaaliyo nabaad guurka deeganka iyo xaalufinta dhirta.

Dekedda Kismaayo oo ay waayadii hore ka dhoofi jirtay dhuxusha ayaa hadda booskeeda waxaa buuxshay oo ka dhoofa dekadda qudrad sida Liinta Qumbaha, iyo Sisinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM