Garowe: Agaasimayaal la magacaabey, kuwo xilka laga qaadey

Image

October 8, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa agaasimeyaal guud oo cusub usoo magacaabay 11 kamid ah wasaaradaha ay dowladdu ka kooban tahay.

Agaasimeyaasha oo qaar badan oo kamid ahi horay xilal kale dowladda uga hayeen waxay magacyadoodu kala yihiin sidan:

  1. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Cabdikhadar Muuse Guure.
  2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga qaybta DDR, Cabdirisaaq Xasan Maxamed.
  3. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Kayse Cabdi Cali Shire.
  4. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Yaasiin Cali Yuusuf
  5. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga qaybta ganacsiga, Daahir Maxamed Muuse.
  6. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga qaybta warshadaha, Cabdirisaaq Yuusuf Shire.
  7. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka, Muna Daahir Dalmar.
  8. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Ismaaciil Siciid.
  9. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, Maxamed Cali Faarax.
  10. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Cabdirisaaq Maxamed Cali.
  11. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Maxamed Cabdiqaadir Cismaan.
  12. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Garoomada iyo Duulista, Rooble Faarax Ciise.
  13. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha, Ibraahim Xareed Cali

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Madaxweyne Gaas wuxuu xil ka qaadis ku sameeyey saraakiil ka tirsan hay'adaha ammaanka iyo kuwa sirdoonka Puntland iyo weliba qaar kamid ah garsoorayaashii maxkamadaha gobollada, mas'uuliyiintaas oo qaar xilal kale loosoo magacaabay.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM