Garowe: Sarkaalkii ka tirsanaa hay'ada IRC oo xabsiga loo gudbiyey

Image

Nov 20,2015 (GO)- Kadib markii saldhiga magaalada Garowe lagu xirey 18 Nov, 2015 sarkaal u shaqeeya hay'ada IRC ( International Rescue Committee) ee xafiiskeeda magaalada Garowe ayaa wararka ka imaanaya xarigiisa sheegayaan in loo gudbiyey xabsiga dhexe ee magaalo madaxda Puntland.

Deeq Maxamuud Xaashi ayaa la xirey kadib markii hanjabaad kaga timid madaxtooyada Puntland uu ku wargaliyey saldhiga Booliska magaalada Garowe.

Xariga sarkaalkaan ayaa yimi kadib markii hay'adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Puntland gaar ahaan magaalada Garowe ka biyo diideen amar madaxweynaha Puntland ku siiyey iney la shaqeeyaan guddi u qaabilsan qandaraasyada.

Xabsiga dhexe ayaa loo gudbin karaa sharciyan qofka maxkamada ku xukunto dambi uu galey ama marka loo baqo amaanikiisa kasoo hay'adaha amniga u gudbiyaan meel lagu ilaalin karaa maxbuuskaas.

GAROWEONLINE kala soco wararka kasoo kordha xariga sarkaal u shaqeeya hay'ada IRC.

 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM