Garowe: wadahadalka D. Federaalka iyo PL oo maanta furmaya

Image

October 11, 2014 (GO)- Wadahadalo bilow ah ayaa maanta magaalo madaxda Puntland ee Garowe uga furmaya Puntland iyo Dowlada Federaalka Somalia.

Arimaha muranka dhaliyey ee laga wada hadli doono waxaa kamid ah: dastuurka qabyada ah ee lagu dhaqayo federaalka oo Puntland horay u shaacisay in wax ka bedel lagu sameeyey, dhismaha maamulka gobolada dhexe oo isagana Puntland sheegtay inuu xadgudub ku yahay jiritaankeeda iyo maareynta dhaqaalaha ay Somali ka hesho caalamka oo Puntland ku doodeyso in Muqdisho oo qura lagu koobay.

Ra'iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa labadooduba rajo wanaagsan ka muujiyey wadahadalada.

Waa markii uu horeysey oo wadahadal toos ahi u furmo labada dhinac laga soo bilaabo bishii August ee lasoo dhaafay, markaasoo Puntland xiriirka u jartay Dowlada Federaalka.

Faah faahin ku saabsan shirka maanta Dowlada Federaalka iyo Puntland Garowe uga furmaya wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM