Golaha xukuumada Puntland oo kulan isugu yimid 13 Asbuuc kadib

Image
Image
Image
Image

12 Nov, 2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa maanta qabtey kulankii ugu horeeyey golihii xukumada kuwasoo aan kulan iusgu imaan muddo 13 toban Asbuuc ah.

Shirka Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa waxaa maanta looga hadlay arrimaha Ammaanka, Safarkii Madaxweynaha ee dalka isu-tagga Imaraadka Carabta, Saamaynta duufaanta ee xeebaha Gobolada Gardafuu iyo Bari, Wax qabadkii Dawladda Puntland ee Gobolka Mudug, U diyaar garowga la xisaabtanka Hay’adaha Dawladda, Ka Doodida xeerar kala duwan iyo warbiximo.

Lama oga sababta uu shirkaas u qabsoomi waayey iyadoo madaxweynaha Puntland uusan su'aashaas ka jawaabin kadib markii xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland waydiiyey furitaanka kalfadhiga 36aad ee golaha wakiilada.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa u suurtoobi waydey kulankaas inuu qabto kadib markii Kooramka golaha wasiirada buuxsimi waayey.

Madaxweyne Gaas oo inta badan 13 asbuuc ku sugnaa magaalada Galkacayo ayaa xaawilin in kulankaas ka dhaco Galkacayo ama magaallo madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM