Guddoomiyihii hore ee Mudug oo dib xoriyaddiisa loogu soo celiyey

Image

November 29, 2014 (GO)- Waxaa maanta dib xoriyaddiisa loogu soo celiyey guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug  Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo saddex maalmood kahor booliska degmada Garoowe xabsiga u taxaabeen.

Sii deynta Siyaasi Dhuubane waxaa Garowe Online u xaqiijiyey Taliyaha Qaybta Booliska Nugaal Axmed Cabulaahi Samatar (Layli) isagoo sheegay in mas'uulkaas xoriyaddiisa loosoo celiyey kadib markii ay damiinteen odayaal iyo waxgarad beeshiisa kasoo jeeda.

Dhuubane ayaa November 25, 2014 qabtay shir-saxaafadeed uu kaga hadlay xaalada guud ee Puntland isagoo dhinaca kale dhaliilay siyaasadda Madaxweyne Cabdiweli Gaas kuna eedeeyey inuu baal maray balan qaadyadii uu sameeyey xilligii uu murashaxa ahaa.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali oo mar sii horeysey waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa sababta mas'uulkaas loo xiray ku micneeyey kadib markii uu shaaciyey hadallo xiisad siyaasadeed iyo ammaan darro abuuri kara, halisna ku ah jiritaanka Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye. 

Halkan ka dhegeyso shirkii jaraa'id ee sababtiisa Siyaasi Dhuubane loo xiray

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM