Gudoomiyihii Rugta ganacsiga Puntland oo is-casilay

Image

19 December, 2015(GO)-Gudoomiyihii Rugta ganacsiga iyo Warashadaha Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay inuu baneeyay jagadaasi isagoo aan shaacin sababta keentay balse ku soo gaabiyay arrimo isaga u gaar ah.

Cabdiraxmaan Jaamac Warsame oo faah faahin sababta xilligaan ku soo beegtay inuu booska banneeyo ayaa sheegay inuu isbadal ku sameeyay xafiiska mudadii uu joogay, wuxuuna bulshada iyo ganacsatada Puntland ku ammaanay kaalinta ka qaateen hormarka dalka.

Wuxuu mahadcelin u jeediyay mudane Cabdiraxmaan asxaabtii xafiiska wadajoogeen iyo bulshada sida gaarka ah u wadashaqeeyeen.

26 December, 2014 ayay ahayd markii Gudoomiyaha iscasilay xilka loo doortay, isagoo xilligaas ku guulaystay 67 cod.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM