Guulihii ugu dambeeyay Ciidanka Puntland ka gaareen Dagaalka Daacish

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Ciidamada Puntland ayaa ku dhawaanaya inay gaaraan guul weyn oo la taaban karo ka dhan ah Daacish, iyadoo howlgalkooda millatari ee Cal-Miskaad uu gaaray marxaladaha ugu dambeeya.

Iyagoo ka saarey Kooxda goobihii ugu muhiimsanaa, Ciidamadu waxay haatan waxay cagta saareen dhabihii gebi ahaanba ku baabi'in lahaayeen joogitaanka Daacish ee gobolka Bari, oo mudo sanado ah khatar ku hayay amnigiisa, iyagoo saldhigyo ka sameystay dhulka buuraha.

Howlgalkani, oo socday Isbuucyo oo dagaallo culus lala galay Daacish, ayaa lagula wareegay dhulkii adag ee buuraha iyo degaannada fog ee Puntland. Sawirro iyo muuqaallo laga qaaday dhul la qabtay, ayaa muujinaya askar ka howlgalaya buuraha dhexdooda, iyadoo muujinayaan kalsooni iyo go'aan adag.

Tani ayaa calaamad u ah horumarka iyo adkeysiga ay muujiyeen Ciidamada oo garab istaag ka helaya dadka degaanka, bulshadda Puntland iyo madaxdooda intaba.

Sida ay sheegayaan Saraakiisha millatariga, howlgalkani wuxuu noqonayaa mid muhim ah oo taariikhi ah, isagoo xoojinaya sida Puntland uga go'an tahay amniga iyo xasiloonida gobolka Bari. Maalmaha soo socda waxaa laga yaabaa in la arko dhammaadka Daacish ee Puntland, sida uu sheegay sarkaal Ciidan.

Tobaneeyo ajnabi ah ayaa kamid ah xubnihii la dilay, taasoo muujinaysa in Puntland ay kusoo duuleen ajaaniib, qaarkooda dhaqaale doon ah, oo Daacish uga yimid dalal ay kamid yihiin Itoobiya, Tanzania, Tunisia, Morocco iyo Algeria.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM