Guulihii ugu dambeeyay Ciidanka Puntland ka gaareen Dagaalka Daacish

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Ciidamada Puntland ayaa ku dhawaanaya inay gaaraan guul weyn oo la taaban karo ka dhan ah Daacish, iyadoo howlgalkooda millatari ee Cal-Miskaad uu gaaray marxaladaha ugu dambeeya.

Iyagoo ka saarey Kooxda goobihii ugu muhiimsanaa, Ciidamadu waxay haatan waxay cagta saareen dhabihii gebi ahaanba ku baabi'in lahaayeen joogitaanka Daacish ee gobolka Bari, oo mudo sanado ah khatar ku hayay amnigiisa, iyagoo saldhigyo ka sameystay dhulka buuraha.

Howlgalkani, oo socday Isbuucyo oo dagaallo culus lala galay Daacish, ayaa lagula wareegay dhulkii adag ee buuraha iyo degaannada fog ee Puntland. Sawirro iyo muuqaallo laga qaaday dhul la qabtay, ayaa muujinaya askar ka howlgalaya buuraha dhexdooda, iyadoo muujinayaan kalsooni iyo go'aan adag.

Tani ayaa calaamad u ah horumarka iyo adkeysiga ay muujiyeen Ciidamada oo garab istaag ka helaya dadka degaanka, bulshadda Puntland iyo madaxdooda intaba.

Sida ay sheegayaan Saraakiisha millatariga, howlgalkani wuxuu noqonayaa mid muhim ah oo taariikhi ah, isagoo xoojinaya sida Puntland uga go'an tahay amniga iyo xasiloonida gobolka Bari. Maalmaha soo socda waxaa laga yaabaa in la arko dhammaadka Daacish ee Puntland, sida uu sheegay sarkaal Ciidan.

Tobaneeyo ajnabi ah ayaa kamid ah xubnihii la dilay, taasoo muujinaysa in Puntland ay kusoo duuleen ajaaniib, qaarkooda dhaqaale doon ah, oo Daacish uga yimid dalal ay kamid yihiin Itoobiya, Tanzania, Tunisia, Morocco iyo Algeria.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM