Hay'ada jidadka Puntland oo soo bandhigtey buuga wadooyinka

Image
Image
Image

Dec 1,2014 [GO]- Hay'adda Jidadka Puntland ayaa maanta kulan ka dhacay magaladda Garowe kusoo bandhigtay buug ka hadlaya dhismaha wadooyinka iyo buundooyinka iyo qaabeyntooda oo mudo lix bilood ah laga shaqaynayay.

Kulankan waxaa kasoo qayb galay Injineero ka kala yimi Gobaladda Puntland, wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka, madaxda PHA iyo sarkaal ka socda ILO.

Maareeyaha hay'adda jidadka Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa tilmaamay buugani inuu ka hadlaya qaabkii loo dhisayo meelaha buundooyinka noqonaya iyo wadooyinka, wuxuna sheegay inay soo baxday sameyntiisa ka dibb markii ay muuqatay baahida loo qabo maareynta dhismaha wadooyinka.

Waxa uu sheegay Eng.Maxamuud soo diyaarinta buuga inay mudo lix bilood ah gacanta ku haysay shirkadda Albishaar hase yeeshe la doonayo in lagu daro aragtida dadka ku shuqulka leh howlaha dhismaha wadooyinka oo ay lagama maarmaan noqotay in la helo.

Marka lagu dabaqo arigtadaasi ayuu sheegay masuulkani in loo gudbin doono wasaradda howlaha guud si ay u horgayso gollaha xukumadda oo marka danbe go'aan ka gaari doono.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa muujiyay ahmiyada uu buugani xambaarsan yahay wuxuna sheegay Puntland inay aad ugu baahan tahay hal wado oo loo maro marka la dhisayo wadooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM