Hay'adda Wadooyinka PL oo waxqabadkeeda soo bandhigtey

Image

November 23, 2014 (GO)- Hay'adda wadooyinka Puntland ayaa maanta soo bandhigtay waxqabadkeeda 10kii bilood ee la soo dhaafay iyo weliba qorsheheeda ku aadan sanadka soo socoda.

Munaasabadda hay'addu kusoo bandhigeysey waxqabadkeeda oo ka dhacday isla xarunta Hay'adda ee Garowe waaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka, Agaasimaha Hay'adda Wadooyinka iyo guddiga sare ee Hay'adda.

Agaasimaha Hay'adda Wadooyinka Eng.Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa sharaxaad ka bixiyey waxqabadka Hay'adda iyo weliba taariikhdeeda oo kooban, isagoo sheegay in la asaasay sanadkii 1997, wixii intaas ka danbeeyayna hawlo badan oo jidadka lagu dayac tirayey qabatay.

Mar uu ka hadlayey waxyaabaha u qabsoomay wuxuu sheegay in laga xusi karo: dayactirka qaar ka mid ah jidadka , kor u qaadista tayadda shaqalaha, la socodka xaaladda wadooyinka xili roobaadka iyo diyaarinta Buuga Wadooyinka, buugaas oo ka hadlaya qaabka wadooyinka loo dhisayo.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Cabdirshiid Maxamed Xirsi oo intaas kadib hadalka qaatey ayaa ka mahad celiyay waxqabadka Hay'adda, isagoo sheegay inay jiraan arimo badan oo u baahan in wax laga qabto.

Mar uu ka hadlayey qalab yaraanta jirta wuxuu sheegay in dowladdu qorsheyneyso sidii qalab dhameystiran loogu heli lahaa hay'adda PHA si ay hawleheeda usii dardar geliso.

Hay'adda Wadooyinka Puntland oo la asaasay sanadkii 1997 waxay dayactir ku sameysey meelo uu ka burbursanaa jidka laamiga ee isku xira magaaloyinka Gaalkacayo iyo Bosaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM