Hishiis laga gaaray nabadaynta beelaha deegaanka Xoorre [Dhagayso]

Image

15 November, 2015(GO)-Deegaanka Xoorre oo dhaca xadka Puntland iyo Ethopia, ayaa lagu soo gaba gabeeyay hishiis lagu soo afjarayo colaadda mudada u dhaxaysa beelo wada daga gobollada Nugal iyo Sool ee Puntland.

Wadahadalka oo garwadeen ka ahaayeen Odoyaal dhaqameed ka yimi maamulka Jubbaland iyo kuwa ka socda dhinaca Puntland, ayaa waxay shalay 14 November, 2015 soo saareen hishiin qodobaysan kaasi oo lagu qeexay dhibta kala gaartay dhinacyada dagaallamay iyo qaabkii loo bixin lahaa magdhaw ku aadan wixii labada dhinac kala gaysteen.

Xoghayihii hore ee degmada Burtinle Xaafid Cabdirsaaq Axmed oo haatan ku sugan goobta hishiiska lagu gaaray ayaa Radio Garowe u sheegay ina la simay dhammaan dhibkii dhacay, wuxuuna tilmaamay in colaadda labada beelood ku dhinteen 55 ruux oo ku jirto qof dumar ah, halka tiro intaasi ka badan ku dhawacntay.

Xaafid, waxa uu xusay inay dhammaan dadka geeriyooday laga bixinayo calaa qof 100 halaad, halka qofta dumarka ah magteedu tahay 50, waxaana loo qabtay muddo dhan 6 bilood.

Ergada ka socotay labada bilood ayaa ku qanacday hishiiska, waxaana waxgaradka dhex dhexaadinta wada goobta ku sugnaan doonaa inta duugta laga bixinayo.

Ammaanka goobta shirku ka dhacayo waxaa sugayay ciidamo ka socday dalka Ethopia, ka dib saluug ay muujiyeen garab ka tirsan beelaha la hishiisiinayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM