Hoggaanka Afhayeenka Baarlamaanka Puntland oo la saluugay

Image

October 26, 2014 (GO)-Wararka soo gaaraya warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya inuu jiro mooshin ka dhan ah afhayeenka baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire kaasoo salka ku hayo mamul xumo waayadii danbe lasoo daristay.

Siciid Xasan Shire ayaa xildhibaanadda baarlamaanka ku wargaliyay inay fasax yihiin mudo saddex cisho ah, iyadoona qaar ka mid ah xildhibaanaddu arrintaasi ka hor yimaadaan kuna tilmaameen inaysan u muuqan sabab fasax loo galo maadama hadda laga soo laabtay fasax dheer.

Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar oo ka mid ah mudanayaasha dhaliilsan qaabka uu shaqadda hoggaanka Baarlamaanka u wado Shire ayaa sheegay inuusan ilaa iyo hadda waxba ka ogayn arrinta keentay in mudanayaasha la fasaxo.

Surcad ayaa sheegay fadhiga Baarlamaanka inuu horyaalo ajendayaal culus oo u baahan in si miisaan leh looga doodo, balse Gudoomiyaha Baarlamaanka uu fasax lasoo deg degay.

”Xubno Anigu aan ku jiro ayaa ka horyimid in Baarlamaanka la Fasaxo maadaama ay hadda Fasax ka yimaadeen lana doonayo inay u shaqeeeyaan Shacabka ay Matalaan, laakiin waa noo suuroobi weydey inaan wax ka badallo Go,aankii Gudoomiyaha.Waxaana Hadda Fasax Sadexbari ah Galay Xubnaha Baarlamanka Puntland,Illaa hadda iima Cadda Sababta keentay Fasaxa deg dega ah”,

Warar madax banaan ayaa sheegaya sababta uu Gudoomiye Siciid Shire u fasaxay xildhibaanadda ay tahay sidii uu ula socon lahaa dhaq-dhaaqa mooshin isaga ka dhan ah oo socda, iyadoona la sheegayo inuu arrintaasi la sugayo madaxwayne Gaas oo wali London ku maqan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM