Howlgalka CalMiskaad: 30 Daacish Ah oo Lagu Dilay Duqeyn Cusub

Image

BOOSAASO, Soomaaliya - In ka badan 30 xubnood, oo ka tirsan kooxda Daacish/ISIS ee Soomaaliya, ayaa lagu dilay duqeymo cusub oo Arbacadii ka dhacay gobolka Bari ee Puntland, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Duqeyntan ayaa lagu beegsanayay xarumaha Daacish ee ku yaalla aagga Sheebaab ee Buuraha Almiskaad ee gobolka Bari. Ciidanka Puntland ee ka hortagga argagixisada ayaa sheegay in badankood dagaalyahanadii lagu dilay duqeymahan ay ahaayeen ajaanib, iyadoo aysan sheegin dalalka ay ka soo jeedaan.

"Labada duqeyn ee Habeenkii Arbacada ka dhacay aagga Sheebaab ee Buuraha Calmiskaad waxay dileen in ka badan 30 xubnood oo Daacish ah, badankoodna waxay ahaayeen ajaanib, waxayna burburiyeen gaadiidkii ay wateen," ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay qaybta ka hortagga argagixisada ee Puntland.

Duqeyntan ayaa timid hal maalin kadib markii ciidamada amniga ee Puntland ay sheegeen inay dileen in ka badan 60 xubin oo Daacish ah, kuwaasoo ay ku jabeen hawlgalkii ay ku qaadeen deegaanka buuraha ee gobolka Bari, sida uu sheegay Jeneraal Maxamed Fadhiigo, afhayeenka howlgallada ka dhanka ah argagixisada Puntland.

Talaadadii, Taliska AFRICOM ee Maraykanka ayaa sheegay in duqeyn 1-dii Febraayo ay ka fuliyeen Daacish ay dileen 14 xubnood, oo ay ku jiraan hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacishta Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa lagu beegsanayay hogaamiyaasha sare ee Daacish, iyadoo lagu dhuftay isku xirmo godad ah oo ku yaalla qiyaastii 80 kiiloomitir koonfur-bari ka xiga magaalada Bosaso, oo ah caasimadda gobolka Bari.

Mid ka mid ah kuwa la dilay ayaa ahaa Axmed Maeleninine, oo ahaa xubin muhiim ah oo Daacish u qaabilsanaa hawlgallada dibadda, isagoo mas'uulka ahaa ku dirista aragagaxisadda weerarada ka fulinaysa Maraykanka iyo Yurub.

Ciidamada amniga ee Puntland ayaa mudo ka badan bil ku hawlgalayay ka hortagga Daacish, iyagoo xoraynayay deegaanno waaweyn oo horey ugu jiray gacanta kooxdaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Codsatay Tageero Caalami Ah Dagaalka Ka Dhanka ah ISIS

Wuxuu caddeeyay in Puntland aysan doonaynin faragelin milateri oo toos ah oo ka timaadda dalalka shisheeye.

  • Puntland

    13-02-2025

  • 12:07PM

Puntland Kaligeed Ayay Ku Jirtaa Dagaalka – Madaxweyne Deni oo Ka Hadlay Howlgalka

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dowlado qaar ay gacan ka geysteen…

  • Puntland

    06-02-2025

  • 04:37PM