Indho Guran ''Pl qayb bay ka noqon xalinta khilaafka mas'uuliyiinta DFS''

Image

October 26, 2014 (GO)- Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay ka qayb qaadashada dhex dhaxaadinta khilaafka u dhaxeeya masuuliyiinta ugu saraysa dowladda Federaaliga ah ee Somalia ka dib shir galabta ka dhacay madaxtooyadda Garowe.

Wasiirka warfaafinta Puntlad Cabdiwali Xisri  Indhoguran oo caawa saxafadda kula hadlay madaxtooyadda ayaa sheegay Puntland inay ka xun tahay khilaafka soo cusboonaday ee u dhaxeeya Ra'iisul Wasaare Cabdiwali iyo madaxwayne Xasan Shiikh wax kasta oo la isku hayana lagu dhameeyo dastuurka KMG ah ee dalka.

Indhoguran ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan muranka hareeyay xafiisyadda Villa Somalia kaasoo u muuqda inuu saameeyay shaqooyinkii wasaradaha dowladda.

''In khilaafka soo galay madaxda ugu saraysa ee dowladda Somalia lagu xaliyo loona maro sida dastuurka dalku qabo, in tabashadda masuuliyiinta sar sare uga tanaasulaan maslaxadda dalka, waxaa beesha caalamka ugu baaqaynaa inay doorkooda ka qaataan soo afjarista khilaafka madaxda sar sarae, dowladda Puntland waxay diyaar u tahay inay ka qayb qaadato xalinta khilaafka u dhaxeeya madaxda sar sare ee dalka''.

Khilaafkan ayaa sii xoogaytay ka dib markii maalinkii shalay wasiirka koowaad uu isku shaadheyn ku sameeyay qaar ka mid ah gollaha wasiiradda, iyadoona isku shaadheyntaasi uu saameeyay wasiirkii garsoonka Faarax Cabdiqaadir Maxamed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM