isku shaandhenyn lagu sameyn doono wasiirada dowlada Federalka

Image

9 Nov, 2015 (GO)- Warsidaha Garowe online ayaa fahansan in uu socdo qorshe lagu sameynayo isku shaandheyn golaha wasiirada dowlada Fedeaalka Somalia kasoo ay wadaan madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid.

Wasiirada saameynta ku yeelan karto isku shaandheyntaan ayaa wararka xusayaan iney yihiin wasiirka gashaandhiga, wasiirka maaliyada, wasiirka amniga, arrimaha gudaha iyo qorsheynta.

Xogtaan ayaa xuseysa in isku badalida iyo magacaibsta xubno cusub ee ka tirsan golaha wasiirada dowlada Federaalka salka ku hayso in lagu qanciyo ururo siyaasdeed iyo beelaha qaarkood madaama la guda galayo sanadka soo socda olalaha doorashada madaxweynaha Somalia taasoo lagu wado iney dhacdo sanadka 2016.

Waxaa la filayaa in wasiirka difaaca dowlada Federaalka xilkiisa waayi doono madaama taliyaha guud ee ciidamada laga dhigey shaqsi isku beel yihiin marka la eego nidaamka beelaha oo ay ku saleysan tahay siyaasada Somalia.

Dhinaca kale waxaa la qorsheynayaa in golaha wasiirada dowlada Federalka markale uu kamid noqon doono Farax Shiikh Cabdulqadir oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweyne Xasan Shiikh.

Farax Cabdulqaadir oo horey u ahaan jirey wasiirka cadaalada iyo dastuurka dowlada Federaalka ayaa xildhibanaada Barlamanka diideen inuu kamid noqdo golihii wasiirada ee Ra'isal waasre Cumar Cabdirashiid soo dhisey.

Isku shaandheynta golaha wasiirada la filayo ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in lagu qanciyo ururka Ahlu sunah Wal Jamaca oo diidey iney aqoonsadaan maamulka Galmudug kasoo madaxweyne uu ka yahay Cabdikariim Xuseen Guuleed oo isaguna kamid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow madaxweyne Xasn Shiikh.

Ahlu sunah ayaa heshiis ay la gasho dowlada Federalka ku xirtey in golaha wasiirada ee cusub laga siiyo wasaraada muhiim ah oo ay kamid tahay arrimaha gudaha.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dabada ka riixaya in la qanciyo beelaha Cayr ee u badan ururka Ahlu Sunah si ay meesha uga baxdo caqabada hortaagan in maamulkisa ka hirgalo gobolada dhexe ee Somalia.

Isku soo duub isku shaandheynta lagu sameeyo wasiirada dowlada Federaalka ayaa waxa ka horyimaada caqabado farabadan taasoo ay kamid tahay in xildhibnaada Barlamanka Somalia raadinyaan kamid noqoshada golaha fulinta.

Sharci laga ansaxiyey Barlamanka Somalia ayaa dhigaya in xildhibanaada kamid noqon karaan golaha wasiirada taasoo meesha ka saareysa in xisaabtan dhab ah uu dhexmaro hay'adaha dowlada Federaalka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM