Jawari "Waxaa furmaya shir looga hadlayo mooshinka laga keenay madaxweynaha"

Image

06 Octobar, 2015(GO)-Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa sheegay in barri uu furmi doono shir looga wada xaajoonayo mooshinka ka laga keenay Madaxweynaha Somalia ee la soo gudbiyay 12-ka August ee sanadkan.

Jawaari ayaa tilamamay in shirkaasi uu yahay mid muhiim ah isla markaana looga bahan yahay Xildhibaanadii keenay inay ka soo qayb galaan, si looga xaajooda arrinta mooshinka.

“Waxaan  guud ahaan  ummadda Somaliyeed la wadaagayaa in maalinta barri ah oo tariiqdu ku began tahay 7 bisha Oktoobar  uu magalada Muqdishu ka furmi doono shirka lagu dhamaynayo, isla markaana looga wada hadlayo  qobadadii ku xusnaa mooshinkii Madaxwayanaha ay ka keeneen xubno ka tirsan  golaha shacabka Somaliyeed, waxaan  ugu baaqayaa Mudanayaasha Baarlamaanka ee keenay mooshinka in ay ka soo qayb galaan shirkaasi oo furmi doona 11:00 barqonimo  xilliga magaaladda muqdishu" ayuu yiri Afhayeenka Barlamanka Somalia.

Dhawaan ayay ahayd markii qoraalka ka soo baxay xafiiska Gudoonka Barlamanka Somalia lagu shaaciyay in la laalay mooshinkii laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaan arrinkaasi ka soo horjeestay mudanayaal ka tirsan Xildhibaanada mooshinka keenay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM