Kalfadhiga Barlamanka Puntland oo furmay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

25 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta furay kalfadhiga 36-aad ee Barlamanka Puntland, kaasi oo ka furmay xarunta golaha wakiillada ee magalada Garowe.

Gudoomiyaha Barlamanka Siciid Xasan Shire ayaa sheegay inay Puntland ka jirto abaar baahsan oo wax ka qabasho u baahan, isagoo dhinaca kale ku baaqay in beelaha dhawaan ku diriray qaybo ka mid ah Puntland qaataan nabadda ay wadaan waxgarad ka yimi Jubbaland iyo Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo furay fadhiga golaha wakiillada Puntland aya khudbadiisa dastuuriga ahayd diirada ku saaray qodobo ka mid ahaayeen.

⦁    Arrimaha amniga
⦁    Siyaasadda
⦁    Arrimaha bulshada
⦁    Hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha

  • Amniga

Madaxweyne Gaas ayaa mar uu ka hadlay amniga guud ee Puntland waxa uu sheegay inuu yahay mid wanaagsan marka laga reebo dagaal beeleed ka dhacay deeganada Qorilay iyo Magaclay oo ka kala tirsan gobollada Sool iyo Nugal.

Kooxda Al-shabaab ee ku dhuumaylaysanaya buuralayda Gal-gala ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna xusay in ciidamada daraawiishta Puntland ka soo huyiyeen guulo muhiim ah, isagoona ku baaqay in dadkii ka barakacay deegaanadaasi dib ugu soo laabtaan.

  • Arrimaha bulshada

Xukuumadda uu hogaamiyo Gaas ayuu sheegay inay juhdi dheer ku bixisay baahiyaha asaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha loo  gaarsiin lahaa goobaha ka baxsan laamiga, wuxuuna tilmaamay inay ku dadaaleen sidii deeqo waxbarasho loogu heli lahaa ardayda reer Puntland.

  • Hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha

Dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso ayuu sheegay madaxweyne Gaas inuu dhammaan doono bishada December, isla markaana ay imaan doonaan dulimaadyadii ugu horeeyay.

Garoonka diyaaradaha Garowe ayuu xusay inuu bilaabanayo bishada November ee sanadkan, isla markaana uu dhammaan doono bisha Octobar, 2016.

Dekeda Bosaso ayuu sheegay in la balaarin doono, halka jidka dheer ee isku xira Puntland uu xusay in dayactir lagu samaynayo, iyadoo ay jiraan waddooyin kale oo lacag loo arrurinayo sida Ceel-daahir.

Magalada Galkacyo ayuu madaxweyne Gaas sheegay inay ka fuliyeen barnaamijyo hormarineed kuwaasi oo isugu jiray wax ka qabashada amniga, hagaajinta cadaaladda iyo soo celinta dhismayasha dowladda, isagoo gobolka Mudug ku tilmaamay inuu ahaa mid dayacan oo haatan u baahan in isha lagu hayo.

  • Siyaasadda Somalia

Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay shir uu uga qayb galay magalada Muqdishu kaasi oo looga hadlay doorashada 2016, wuxuuna xusay in Puntland ka dhiibatay mowqifkeeda.

Arrimahaasi ka dib madaxweyne Puntland ayaa sheegay in mas'uuliyiin uusan magacaabin fikiro guracan ku faafiyeen baraha bulshada(Facebook), balse aysan u joojin doonin.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa madaxweynaha u gudbiyay codsi uga yimi Xildhibaanada kaasi oo ay ku dalbanayaan inay weydiiyaan su'aalo balse Gaas ayaa sheegay inuu safar ka soo galay su'aalahoodana jawaabo u hayo, laakiin looga dhigo waqti aan madasha lagu cadayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM