Kal-fadhigii 34aad ee Barlamanka Puntland oo maanta soo xirmay

Image

December 18, 2014 (GO)- Kal-fadhigii 34aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo soconayey muddo siddeed asbuuc ah ayaa maanta kusoo gaba gaboobay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Ajandeyaashii ugu muhiimsanaa ee kal-fadhigan diiradda lagu saaray waxaa kamid ahaa: la xisaabtanka xukuumadda, dib u eegista dhaqaalaha, ammaanka iyo weliba ansixinta miisaaniyadda 2015.

Guddoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire oo isagu kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyey dhammaan xildhibaannada isagoo sheegay in shaqo culus sugeyso lagana rabo inay dadaal iyo karti dheeri ah muujiyaan.

Guddoomiyuhu wuxuu ku dhawaaqay saddex guddi oo loo xil saaray gobollada maqan, la xisaabtanka xukuumada iyo weliba dib u eegista xeer hoosaadka Barlamanka. Saddexda gudi waxay kala ahaayeen sidan:

Guddiga soo celinta gobollada maqan:

  1. Saadiq Abshir Garaad.
  2. Abshir Sicii Saalax.
  3. Ayaanle Gallan Guuleed.
  4. Maxamed Axmed ibraahin
  5. Cabdixakiim Maxamed Axmed.
  6. Nuuradiin Cabdirashiid Cali.
  7. Maxamed Cabulaahi Cilmi.
  8. Raxmo Xabiib Jaamac.
  9. Cabdisalaan Xuseen Bootaan.

Guddiga la xisaabtanka xukuumada:

  1. Cabdicasiis Siciid Maxamed
  2. Cabdiraxmaan Siciid Saalax.
  3. Maxamed Maxamuud Ismaaciil
  4. Axmed Cali Xaashi.
  5. Cabdi Siciid Kafad.
  6. Maxamuud Faarax Warsame
  7. Cismaan Dalmar Yuusuf.
  8. Cabdikariim Xuseen Guure.
  9. Cumar Xaaji Cabdi Akabe.

Guddiga dib-u-eegista xeer hoosaadka:

  1. Axmed Jaamac Cabdulle.
  2. Cabdul Cabdi Faarax.
  3. Siciid Xuseen Nuur.
  4. Cabdirasaaq Muuse Maxamed.
  5. Siciid Daahir Qodax.
  6. Cali Axmed Saalax.

Hawlaha Barlamanku qabtay waxaa ugu muhiimsanaa:

  • Anisixinta miisaaniyadda dowlada ee 2015 (Dec 17, 2014 )
  • Ansixinta xeerka guddiga doorashooyin (Dec 09, 2014)
  • Ansixinta degmada Saaxo ee gobolka Mudug (Dec 17, 2014 )
  • La xisaabtanka wasaaradaha iyo hay'adaha kale dowliga ah (30 maalmood).

Kal-fadhigan ayaa ahaa kii 34aad ee xildhibaanada Barlamanka Puntland yeeshaan laga soo bilaabo markii dhidibada loo taagey Puntland sanadkii 1998.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM