Qarax ka dhacay Boosaaso iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BOOSAASO, Puntland – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax caawa ka dhacay afaafka hore ee dekadda Boosaaso.

Qaraxa oo dhacay fiidnimaddii caawa ayaa waxaa la sheegay uu ka dhashay walxo qarxa oo meel lagu aasey.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay, sidda laga soo xigtay saraakiil dhanka ammanka ah oo ka gaabsadey in la adeegsado magacyadooda.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ruuxa dhaawacmay uu yahay askari katirsan ilaaladda dekedda Boosaaso.

Dekadda oo ku taala xaafada Suwayto waxaa ka agkdhow mehrado ganacsi oo qaarkood ay leeyihiin muwaadiniin u dhashay Itoobiya. Ma cadda khasaaraha soo gaartay.

Ma jirto cid mas'uuliyadda qaraxa sheegatay, balse weerarada noocan ah ayaa looga bartay Al-Shabaab iyo Daacish inay ka geystaan magaalada.

Laamaha amniga magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa xaqiijinta xasiloonida magaaladda, waxayna ku guuleysteen in ay fashiliyaan qaraxyo dhowr ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM