Kulan looga hadlay tayeynta garsoorka PL oo Garowe lagu qabtey

Image
Image
Image
Image


November 30, 2014 (GO)- Waxaa maanta magaalada Garowe ka furmay kulan looga hadlayay ahmiyada cadaalada, garsoorka iyo qorshaha shanta sano ee soo socota ku wada shaqaynayaan laamaha cadaalada iyo hay'adaha caalamiga ah ee taageerada Cadaalada .

Shirkaan oo ay soo agaasintay UNDP  waxa ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka Puntland , xubno ka tirsan golaha wasiirada , laamaha garsoorka , saraakiisha ammaanka iyo bulshada rayidka oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan xeryaha barakacayaasha Garowe

Madaxa xafiiska UNPD ee Puntland oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in Dowlada Puntland ay si joogto ah ugala shaqeeyaan sidii loo tayeyn lahaa cadaalada iyo garsoorka .
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame ayaaa Xusey in dowlada Puntland ay diirada saartey sidii loo hagaajin lahaa hay'adaha garsoorka si loo helo cadaalad saxan.

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey oo Shirka si rasmi ah u furey ayaa tilmaamey in cadaalada ka jirta Puntland ay tahay mid wanaagsan isla markaana ay jiraan dad xabsiyada Garoowe ku xirnaa oo helay cadaalada taasi oo kaliftey inaysan maanta jirin dad cadaalad darro ugu jira Xabsiyada Puntland.

Si kastaba ha ahaatee shirkan maanta furmey ayaa soconaya muddo hal maalin ah waxaana inta uu socda la filayaan in looga wada hadlo sidii kor loogu qaadi lahaa cadaaladda Guud ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM