Kulan looga hadlayo la-dagalanka Burcad badeeda oo Dubai ka socda

Image

October 29, 2014 (GO)-Magalada Dubai xarunta wadanka Imaaraadka Carabta waxaa ka socda shir looga hadlayo la-dagalaanka burcad badeedka kaasoo sanad kasta la qabto.

Kulankan waxaa lagu marti qaaday masuuliyiin ka socda dalalka Somalia/Puntland, Jabuuti, Kenya, Hay'addaha iyo shaqsiyaadka qaybta ka ah la-dagalanka lagula jiro Burcad badeeda.

Puntland ayaa kulankan waxaa u joogay madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo iyadoona lagu wado Dr.Gaas inuu jeediyo khudbad ka hadlaysa dareenka ay Puntland ka qabto falalka burcad badeeda.

Agaasimihii hore ee ciidamadda PMPF Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Farole ahna mulkiilaha Radiogarowe/Garoweonline ayaa ka mid ah dadka lagu caasumay kulankan isaga ah,kaasoo ay soo qaban qaabiso Dubai Port.

Maxamed Cabdiraxmaan oo qayb libaax leh kasoo qaaday la-dagalanka burcad badeeda ayaa goor dhawayd Garowe Online u sheegay kulankan inuu ahmiyad bada xambaarsan yahay Puntland ayna ka mid tahay meelaha sida aadka ah looga nadiifiyay burcad badeeda.

Waxaan idiin soo gudbin doonaa sawiro iyo wararka khuseya kulankan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM