Labo beelood oo heshiis ku gaarey magaalada Garowe

Image

November 19, 2014 (GO)- Kulan lagu heshiisiinayey labo beelood oo walaalo ah oo horay ugu dagaalamay gobollada Bari iyo Karkaar ayaa maanta lagu qabtay xarunta Hay'adda Cilmibaarista Puntland PDRC.

Shirka waxaa kasoo qayb galay Madaxwane ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Camey, culimaa'uddiin, wasiirro, xildhibaano, nabadoono iyo ergooyin ka socday beelaha Cali Saleebaan iyo Ugaar Saleebaan.

Madaxwayne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar Camay oo shirka furay ayaa  ugu baaqay labada dhinac inay qaataan hishiiska kana waantoobaan soo noqnoq noqoshada colaadaha ku salaysan deegaanka.

Wasiirka Arimaha Gudaha Axmad Cilmi (Karaash) oo isna kulanka ka hadlay ayaa dawladda ugu baaqay inay xoojiso hirgalitaanka hishiiska ay wada gaareen labada beelood.

Ugu danbayntii waxaa baaq nabadeed iyana soo jeediyay isimadii, culimaa'uddiinkii iyo wax garadkii kulanka kasoo qayb galay iyagoo ku boorriyey labada dhinac in dhibkii horay u dhacay xalay dhaley laga noqdo.

Heshiiskan oo la filayo inuu soo afjaro colaaddaas oo mudo dheer soo jiitameysey waxaa wejigiisii koowaad iyo kii labaad lagu soo qabtay degmooyinka Xumbays iyo Rako.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM