Lacagta loo uruuriyey gurmadka gobolka Gardafuu oo la shaaciyey

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa [xalay] ka qeybgalay kulan loogu qareemayo Gobolka Gardafuu oo ay saameyn ku yeesheen roobabkii dhowaan ka da'ay Puntland.

Kulanka waxaa Gobolka Gardafuu loogu ururiyey in ka badan $260,000 lacagtaasi oo ay ku yabooheen Goleyaasha Dowladda, Shaqaalaha, Ciidamada, Ganacsato, Qurbojoog, Dhallinyaro iyo Haween.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee ay wadaan Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gardafuu, wuxuuna sheegay inkastoo Dowladu ay dhowaaan ku dhawaaqi doonto si guud dhaqaalaha ay uga qeyb qaadan doonto Gurmadka Gobolka Gardafuu, hadana uu isagu si shakhsi ah gurmadka ugu yaboohayo $5,000

Lacag ururintan waxaa ka qeyb qaatay Hayádda kala duwan ee Dowladda, Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa ku yaboohay $54,000. Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland ayaa iyana ku yaboohay 20,000 Halka Shaqaalaha Madaxtooyada ee Dowladda Puntland ay ku yabooheen $10,000 dhammaan lacagahaasi ayeey ka bixin doonaan mushaharaadkooda.

Dhinaca kale, Karaash ayaa balanqaadey in dowladda ay ka qeyb-qaadan doonto dayactirka iyo dib-u-dhiska waddooyinka ku burburay roobabkii ka da'ay goboladda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Labada Gole ee Dowladda, Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gardafuu, Ganacsato, Culimo, Hogaan Dhaqan, Qurbojoog, Dhallinyaro iyo Haween.

Madaxtooyadda Puntland + GO

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM