Maalinta dhallaanka dunida oo Garoowe laga xusay

Image
Image
Image

November 20, 2014 (GO)- Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Bulshada Puntland ayaa maanta qabatay munaasabad lagu xusayey maalinta carruurta dunida oo ku beegan 20-ka bisha November.

Munaasabadda oo ahayd mid si weyn loosoo qaban qaabiyey waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, xubno metelayey qaybaha bulshada, hay'addaha ay wasaaradda wada shaqeeyaan iyo tobannaan carruur ah oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Garowe.

Wasiirada Haweenka Aniso Xaaji Muumin oo furtay xafladda ayaa sheegtay in ujeedada laga leeyahay ahayn keliya in la muujiyo qiimaha carruurta haseyeeshee lasoo bandhigi doono dhibaatooyinka carruurta yaryar soo wajaha.

Marwo Aniso ayaa ka sheekeysey dhibaatooyinka soo wajaha caruurta marxaladaha kala duwan ee noloshooda iyadoo xustay in daraasad cusub oo la sameeyey lagu ogaadey in 153 Milyan oo carruur ah xuquuqdooda lagu tunto.

Wasiiraddu waxay dhanka kale tilmaantay inay shaqeeyaan carruur tiro badan oo ku nool Puntland arintaasina tahay mid liddi ku ah xuquuqda caruurta haseyeeshee wasaaradu dadaal badan u geli doonto sidii loosoo afjari lahaa.

Ugu danbayntii waxay Caruurta Puntland ugu baaqday wasiiradu inay noqdaan kuwo si fiican u barta diinta iyo qaybaha kala duwan ee culuumta maadiga, ayna iska ilaaliyaan dhaqamada xun xun dhulkoodana jeclaadaan.

Munaasabadda xuska maalinta dhallaanka dunida ayaa dhamaan gobolada Puntland wasaaradu ku qabatay maanta, iyadoona si wayn ka qayb galayaashii kulamadaasi uga doodeen dhibaatooyinka soo wajaha Carruurta Puntland iyo sidii looga gudbi lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM