Maamul ku meel gaar ah oo loo magacaabay degmadda Galdogob

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Cabdiqaadir Khaliif Xaashi si kumeel-gaar ah wuxuu ugu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Galdogob.

Sidda ku cad wareegto kasoo baxday xafiiska Deni, waxaa Siciid Muuse Shire sidoo kale si kumeel-gaar gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmaddaas.


Hoos ka akhriso digreetada

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Galdogob.

Boosaaso: 07 Febraayo 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.15 February 06, 2020, ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeen Kumeel-gaarka ah ee degmadda Galdogob.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Degmadda Goldogob.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu garowsaday: In ay dhammaatay mudo xileedkii Golaha Degaanka Degmadda Galdogob, welina aysan suurto gelin in la dhiso Gole Deegaan oo cusub.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdiqaadir Khaliif Xaashi si kumeel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Galdogob.

2. Waxaa Siciid Muuse Shire si kumeel-gaar gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Galdogob.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

= DHAMMAAD=


GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM