Maamul ku meel gaar ah oo loo magacaabay degmadda Galdogob

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Cabdiqaadir Khaliif Xaashi si kumeel-gaar ah wuxuu ugu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Galdogob.

Sidda ku cad wareegto kasoo baxday xafiiska Deni, waxaa Siciid Muuse Shire sidoo kale si kumeel-gaar gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmaddaas.


Hoos ka akhriso digreetada

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Galdogob.

Boosaaso: 07 Febraayo 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.15 February 06, 2020, ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeen Kumeel-gaarka ah ee degmadda Galdogob.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Degmadda Goldogob.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu garowsaday: In ay dhammaatay mudo xileedkii Golaha Degaanka Degmadda Galdogob, welina aysan suurto gelin in la dhiso Gole Deegaan oo cusub.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdiqaadir Khaliif Xaashi si kumeel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Galdogob.

2. Waxaa Siciid Muuse Shire si kumeel-gaar gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Galdogob.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

= DHAMMAAD=


GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM