Maamul KMG ah oo loo magacaabay Tv-ga iyo Raadiyaha dowlada Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu xil-ka-qaadis ku sameeyay agaasimaha guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha dowladda, wuxuuna u magacaabay maamul ku meel gaar ah.

Sidda ku xusan wareegto kasoo baxday xafiiska Saciid Cabdullaahi Deni, Daahir Cabduqaadir Axmed ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay jagada laga xayuubiyey Jamaal Carab Yuusuf.

Hoos ka akhriso digreetada

Boosaaso: February 6, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne oo sumaddiisu tahay (Lr.14) kuna taariikhaysan (February 5, 2020) wuxuu xilka kaga qaaday Agaasimaha Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf laga qaaday xilka Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

2. Waxaa Daahir Cabduqaadir Axmed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Dawladda Puntland

Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada Dowladda Puntland


GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM