Maamul KMG ah oo loo magacaabay Tv-ga iyo Raadiyaha dowlada Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu xil-ka-qaadis ku sameeyay agaasimaha guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha dowladda, wuxuuna u magacaabay maamul ku meel gaar ah.

Sidda ku xusan wareegto kasoo baxday xafiiska Saciid Cabdullaahi Deni, Daahir Cabduqaadir Axmed ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay jagada laga xayuubiyey Jamaal Carab Yuusuf.

Hoos ka akhriso digreetada

Boosaaso: February 6, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne oo sumaddiisu tahay (Lr.14) kuna taariikhaysan (February 5, 2020) wuxuu xilka kaga qaaday Agaasimaha Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf laga qaaday xilka Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

2. Waxaa Daahir Cabduqaadir Axmed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Dawladda Puntland

Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada Dowladda Puntland


GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM