Saciid Cabdullaahi Deni oo magacaabay mas'uuliyiin cusub

Image

GAROWE, Puntland - Maxamed Axmed Muumin ayaa loo magacaabay guddoomiyaha Balli-dhiddin, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland.

Sidda ku cad wareegtada lagu daabacay bogga Facebook ee Madaxtooyadda, guddoomiye ku xigeenka waxaa laga dhigay Cabdiqani Maxamuud Ciise.

Digreetadda waxaa lagu caddeeyay in magacaabidan ay tahay kumeel-gaar.

Hoos ka daalaco wareegtada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Lambar Lr-48 ugu magacaabay degmada Balli-dhiddin Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen ku-meel-gaar ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu garowsaday: in ay dhammaatay mudo xileedkii Golaha Deegaanka Degamadda Billi-dhiddin, walinna aysan suurto gelin in la dhiso Gole deegaan oo cusub.

Markuu tixgaliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Maxamed Axmed Muumin si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Balli-dhiddin.

2. Waxaa Cabdiqani Maxamuud Ciise si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Balli-dhiddin.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Lambar Lr-62 ugu magacaabay degmada Qandala Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen ku-meel-gaar ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu garowsaday: In uu dhintay Guddoomiyihii Degmada, walina aysan suurto galin in la dhiso Gole Deegaan oo cusub.

Markuu tixgaliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe) si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Qandala.

2. Waxaa Maxamed Jaamac Muuse (Cadaysay) si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Qandala.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM