​Maamul loo dhisay Bandar-bayla Kar-kaar

Image

Doorasho ka dhacayday degmada Bandar-bayla gobolka Kar-kaar ayaa lagu doortay gudoomiyihii hore Siciid Aadan Cabdi Antena isagoo helay 15, halka ku xigeenkiisa oo lagu magacaabo Bille Nuur Faarax uu helay 17 cod. 

Xafladdan lagu dhisayay maamulka degmadaasi, waxaa ka qayb galay xubno kasocda wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, wasaaradda Qorshaynta iyo maamulka gobolkaas. 

Waxayna doorashada ka dib khudbado ay jeediyeen kula dardaarmeen hogaamiya degmada xeebta dhacda inay ka shaqeeyaan hormarka waddan gaar ahaan Bandar-bayla.

Doorashadan ayaa timi kadib markii dhawaan is-casileen gudoomiyaashii degmooyinka Buran iyo Saaxo, waxaana Botan Axmed Botan oo ahaa duqii degmada Buran ee Sanaag uu xilka uga tagay arrimo kamid tahay xuquq la'aan isagoo dowladda hada xilka haysa ku dhaliilay dhaqaalo xumo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM