Maamulka gobolka Nugal oo mamnuucay shirarka shacab ee doorashada 2016

Image

14 November, 2015(GO)-Gudoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullahi Faroole, oo maanta warbaahinta kula hadlayay magalada Garowe, ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin shirar shacabku qabsadaan oo looga hadlayo doorashada 2016 in lagu qabto gobolka.

Cumar, aya tilmaamay in dad lacago la soo siiyay la wareegayaan kulamo dadka ku weydinayaan doorashadu ma waxay noqonaysa 4.5, mise gobollaysi, taasina wakiil uga tahay shacabka xukuumadda Puntland

Waxa uu digniin u diray maamullada hotellada oo uu sheegay inaysan hawshaasi lagu qaban karin rugahooda.

Cidii amarka maamulka u hogaansami weyda ayuu xusay inay la tiigsan doonaan sharciga.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli magalada Garowe ka dhaceen kulamo ku saabsan aragtida shacabka ee doorashada 2016.

Dowladda ayaa dhinaceeda wadata shirar looga hadlayo doorashada, waxaana shanta maalmood ee soo socota Puntland lagu qaban doonaa wadatashiyo ku aadan geedi socodka doorashooyin la qorsheeyay inay dalka ka dhacaan 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM