Maamulka Koonfur Galbeed oo beeniyay in Baydhabo qof reer Puntland ah lagu dilay

Image

22 November, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda deegaanka maamulka Koonfur Galbeed Somalia, ayaa ka hadlay rabashado dhashay ka dib markii la sheegay in qof reer Puntland lagu dilay magalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

Shacab arrintaasi ka carooday, ayaa weeraro ku qaaday suuqyada dadka ka soo jeeda maamulkaasi ku leeyihiin magalada Garowe.

Wasiirka Deegaanka maamulka Koonfur Galbeed Macallin Maxamud Maxamed Aadan (Jiisoow), oo la hadlay Radio Garowe, ayaa tilmaamay inuusan wax dil ah ka dhici magalada Baydhabo, arrintaasina  faafiyeen shakhsiyaad doonaya inay isku diraan shacabka labada maamul.

Jiisoow, waxa uu tilmaamay inaysan Baydhabo wax dil qorshayn ka dhicin afartii biloow ee ugu dambaysay, isagoo si adag u sheegay hadii ay dhacdo in qof reer Puntland ah lagu dilo Baydhabo, qofkii dilay laga daba dili doono.

Maamulka Puntland ayuu xusay inay kalsooni buuxa ku qabaan, isagoo ugu baaqay qofkii qof dila in sharciga la marsiiyo.

Jimacadii la soo dhaafay 20 November, ayay ahayd markii nin ganacsade ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed lagu dilay suuq ku yaalla magalada Garowe kadib ismaan dhaaf ka dhashay wax kala iibsi.

Ruuxii falka dilka gaystay ayaa ku xiray magalada Garowe xabsi ku yaalla.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM