Maamulka Koonfur Galbeed oo beeniyay in Baydhabo qof reer Puntland ah lagu dilay

Image

22 November, 2015(GO)-Wasiirka wasaaradda deegaanka maamulka Koonfur Galbeed Somalia, ayaa ka hadlay rabashado dhashay ka dib markii la sheegay in qof reer Puntland lagu dilay magalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

Shacab arrintaasi ka carooday, ayaa weeraro ku qaaday suuqyada dadka ka soo jeeda maamulkaasi ku leeyihiin magalada Garowe.

Wasiirka Deegaanka maamulka Koonfur Galbeed Macallin Maxamud Maxamed Aadan (Jiisoow), oo la hadlay Radio Garowe, ayaa tilmaamay inuusan wax dil ah ka dhici magalada Baydhabo, arrintaasina  faafiyeen shakhsiyaad doonaya inay isku diraan shacabka labada maamul.

Jiisoow, waxa uu tilmaamay inaysan Baydhabo wax dil qorshayn ka dhicin afartii biloow ee ugu dambaysay, isagoo si adag u sheegay hadii ay dhacdo in qof reer Puntland ah lagu dilo Baydhabo, qofkii dilay laga daba dili doono.

Maamulka Puntland ayuu xusay inay kalsooni buuxa ku qabaan, isagoo ugu baaqay qofkii qof dila in sharciga la marsiiyo.

Jimacadii la soo dhaafay 20 November, ayay ahayd markii nin ganacsade ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed lagu dilay suuq ku yaalla magalada Garowe kadib ismaan dhaaf ka dhashay wax kala iibsi.

Ruuxii falka dilka gaystay ayaa ku xiray magalada Garowe xabsi ku yaalla.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM