Gudoomiyaha gobolka Barri oo raali galin ka bixiyey dhacdadii Al-Najax

Image

15 Octobar, 2015(GO)-Maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Bosaso ayaa bixiyay raali galin ku saabsan rabshad dhexmartay booliiska gobolka, Ardayda iyo maamulka Al-Najax.

Gudoomiyaha gobolka iyo duqa degmada ayaa maanta booqday Iskuulka, waxaayna dusha u riteen lahaanshaha khaladkii lagula kacay maamulka iyo Ardayda, iyagoo dalbaday in laga wadashaqeeyo amniga.

Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo Gudoomiyaha gobolka Bari oo ka hadlay Arday laga soo qabtay Iskuulada Bosaso qaybtood ayaa xusay in loo maray sifo sharci ah, balse Iskuulka Al-Najax taliyaha booliiska gobalka ula yimi liis aan saxnayn, taasina dhalisay rabshadda keentay in la xiro maamulaha Iskuulka iyo tiro Arday ah, xilli booliisku adeegsanayeen xabad nool.

Dhinaca kale duqa degmada Bosaso ayaa ammaanay Ardayda iyo maamulka Iskuulka, wuxuuna tilmaamay inay ka xunyihiin wixii dhacay isagoo raali galin siiyay waalidiinta dhalay Ardayda.

Maamulaha Iskuulka Al-Najax iyo tiro ka mid ah Ardayda Iskuulka ayaa shalay 14 Octobar, xoriyadoodii dib u helay ka dib dadaalo ay sameeyeen waxgaradka degmada iyo maamulka gobolka Bari.

Raali galinta maamulka ayaa imaanaysa xilli bulshada Bosaso ka xumaadeen qaabkii uu u dhaqmay taliyaha ciidanka booliiska gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM