Maamulka Somalia Channel Somalia oo ka hadlay xariga Deparani

Image

23 November, 2015(GO)-Agaasimaha Somali Channel ayaa maanta ka hadlay xarriga sharci darada ah ee dowladda Puntland kula kacday Wariye Jaamac Yusuf Deparani oo ka howl gala TV-gaasi.

Axmed Maxamed Jamac (Suufi), oo ku sugan magalada Hargaysa xarunta Somaliland, ayaa Radio Garowe u sheegay inay ka xunyihii xarigga lagula kacay wariyahaasi oo wax dambi ah ka galin dowladda, wuxuuna xusay inay diyaar u yihiin ka garbixidda dowladda Puntland,

Suufi ayaa nasiib darro ku tilmaamay dowladda Puntland oo haatan jirta 17 sano inay caburiso saxaafadda, arrinta wasiirka warfaafinta Puntland ku dhaqaaqayna tahay sharci darro.

Wariye Jaamac Deparani oo Khamiistii la soo dhaafay lagu xiray magalada Garowe, ayaan weli la soo taagin maxkamad, wuxuuna xabsiga ku jiraa maalintii Shanaad, isagoo aan la soo taagin maxkamad.

Ururada Saxaafadda, wariyaasha, iyo dadka u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa ka hadlay xariggan, waxayna ku tilmaameen midaa aan waafaqsanayn shuruucda u dagan Puntland iyo tan xuquuqul Insaanka.

Arrintan, waxay keentay Idaacadaha ka hawl gala Garowe, inaysan baahin wararka dowladda,

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM