Madaxwayne Gaas oo beesha caalamka gurmad ka dalbaday dufaanta Megh

Image

09 November, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta ka hadlay duufaanta Megh oo ku dhufatay qaybo ka mid ah gobollada Bari iyo Gardafuu, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay sidii kaalmo loogu gaarsiin lahaa dadka tabaaloobay.

Madaxweyne Gaas oo warbaahinta kula hadlay magalada Garowe, ayaa sheegay in xukuumadda Puntland, doorkeeda qaadanayso, shacabkana looga baahanyahay sidii dadkaasi u cawin lahaayeen.

Madaxweynuhu, waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay kaalin ka gaystaan, qaabkii dadkaasi loogu gurman lahaa, maadama duufaantu gaysatay saamayn xooggan.

“Sidoo kale dabeylahaasi waxaa ay burburiyeen goobihii loogu shaqeynayayey arrimaha bulshada ,sida goobaha waxbarashada ,caafimaadka iyo xarumihii maamulka ee caluula iyo bareeda ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

Wadooyinka Go’ay waxaa kamid ah wadada gasha Qandala , wadada isku xirta Baargaal, Caluula , Bareeda iyo murcanyo , waxaana wadadaasi muhiim u ahayd isu socodka gaadiidka iyo dadka deeganadaasi.

Waxaa kale oo jira bur bur soo gaaray guryo ku yaallay goobaha duufaanta Megh saamaysay.

 ‘’ Beesha caalamka waxaan ka codsnaynaa inay taageero ka geystaan baahida dadkaas la soo daristay sida cuntada , hoyga , caafimaadka iyo wixii lamid ah ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Waa markii ugu horaysay madaxweyne Gaas, arrintan ka hadlo, waxaana dhawaan jirtay duufaanta Chapal oo saamaysay qaybo badan oo ka mid ah gobolka Gardafuu, taasi oo xukuumaddu ka gaysan door muuqda sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta caalamiga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM