Madaxwayne Saciid Deni oo ku wajahan magaalada Boosaaso

Image
Illo ku dhow Madaxtooyadda Puntland ayaa GO u xaqiijiyay in socdaalkan uu salka ku hayo la dagaalanka argagixisada.

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku wajahan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, oo ay horay ugu sugnaayeen guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee barlamaanka iyo xubno katirsan golayaasha kala duwan ee dowladda.

Saraakiil Madaxtooyada Puntland katirsan ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in Madaxweynuhu Boosaaso ka hagi doono duulaan ka dhan ah kooxaha nabad diidka ah ee ku dhuumaalaysanaya buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad ee gobolada Bari iyo Sanaag.

Madaxweyne Deni ayaa dhowaan sheegay in Puntland ay soo afmeeri doonto kooxahaasi oo uu sheegay inay kujiraan ajaaniib ku soo duuley waxyeelada ammaanka Puntland iyo suurad xumaynta horumarka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM