Madaxweyne Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo Garowe ka dhoofay

Image

October 16, 2014 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta lagu wadaa inay ka duulaan wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wafdiga Madaxweynaha oo wasiiro iyo saraakiil madaxtooyada ka tirsani ku jiraan wuxuu socdaalkoodu ku wajahan yahay wadamo kala duwan iyadoo wararku sheegayaan inuu gaari doono wadamada Yurub, North America iyo wadanka Imaaraadka Carabta halkaasoo qaarna shirar uga qayb gali doono, kuwa kalena booqasho gaar ah ku tagi doona.  

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa kahor inta uusan Garowe ka duulin dhagax dhigi doona wadada isku xirta laamiga magaalada dhex mara iyo madaxtooyada, jidkaasoo isagana laami la saari doono.

Gaas ayaa lagu wadaa inuu warbaahinta kula hadlo garoonka, isagoo ka warbixin doona ujeedada socdaalka uu ugu baxayo dalalkaas. 

Faah faahin dheeri ah iyo sawiradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM