Madaxweynaha PL oo furay mashruuca cagaarinta magaalooyinka

Image
Image

November 15, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta geedkii ugu horeeyey ee mashruuca cagaarinta magaalooyinka Puntland waxa uu ku talalaalay magaalada Garoowe, gaar ahaan wadada cusub ee isku xiri doonta madaxtooyada iyo magaalada inteeda kale.

Wasiirka Deegaanka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay sidii magaalooyinka Puntland bilicdooda kor loogu qaadi lahaa islamarkaana bulshada reer Puntland laga doonayo kaalintooda inay ka qaataan.

Mashruucan oo Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo; Dalxiiska Punltnd iyo Hay,adda ADESO iska kaashanayaan waxaa laga fulin doonaa todobada degmo oo Puntland ka tirsan.

Horay ayaa Wasaarada Deegaanka waxa ballan qaaday in degmooyinka Puntland ay ka fulin doonto dhirayn(Cagaarin) si ay bilicda Magaalooyinka u soo baxaan,Abuuristan ayaa noqonysa hirgalinta balanqaadkii Wasaarada.

Mashruucan oo ah mid in muddo ah qorshihiisu soo socdey waxaa la filayaa in haddii sida loogu talo galay uu hir galo inuu wax badan ka bedeli doono bilicda magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM