Madaxweynaha PL oo xariga ka jaray dhisme jaamacada EAU leedahay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

November 23, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka qeyb galay xaflad balaaran oo lagu daahfurayey dhisme loogu talagalay Kulliyadaha Sayniska gaar ahaan Waaxda Barashada Cilmiga Deegaanka, Waaxda Barashada Caafimaadka iyo Maktabada Jaamacada Bariga Afrika laanteeda magaalada Garowe.

Xafladda waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland, maamulka, macalimiinta iyo ardeyda wax ka barta jaamacadda oo ay ku jiraan 30 ardey oo helay deeq waxbarasho kuna biiri doona Kulliyada Deegaanka, ardeydaas oo ka kala yimid dhammaan gobolada Puntland.

Dhismaha xarunta oo ka kooban labo dabaq waxaa ku baxday lacag gaareysa $230,000, qayb kamid ah lacagtaas waxaa lasoo marsiiyey mas'uulna ka ahaa Hay’adda Manhal .

Qaybta maktabadda waxaa lacagta ku baxday soo ururiyey islamarkaana lasoo marsiiyey Sheekh Maxamed Godane Xoosh oo kamid ah culimada waaweyn dagana magaalada Riyadh.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isagu dhismahaas xarigga ka jarey ayaa uga mahadceliyey cid walba oo ka qeyb qaadatay dhismaha xaruntan cusub isagoona sheegay inay wax lagu farxo ay tahay maalinba maalinta ka dambeysay in dhanka waxbarashada guul laga gaarayo.

"Intii dhaqaalaha ku bixisay iyo  intii u dadaashay ee meesha laga xusay Hay’do ha noqdaan amaba shaqsiyaad ha noqdaan sida Sheekh Maxamed Godane Xoosh aad iyo aad baan ugu mahadcelinayaa ‘’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika laanteeda Garoowe Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa Madaxweynaha gudoonsiiyey laba Buug oo mid kamid ah uu qoray macalinkii maadada Dhaqaalaha baray Madaxweyne Gaas.

Jaamacada Bariga Afrika oo la asaasay sanadkii 1999-kii kana kooban dhowr kuliyadood oo cilmiga bulshada, shareecada iyo sayniska isugu jira, waxaa sanad kasta ka qalin jebiya boqollaal ardey ah oo wiilal iyo gabdho isugu jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM