Madaxweynaha Puntland oo gaarey magaalada London

Image

October 18, 2014 (GO)- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa maanta gaarey magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Heathrow kusoo dhoweeyey mas'uuliyiin ka tirsan dowlada Ingiriiska iyo xubno metelayey jaaliyadda reer Punltand ee dalkaas ku dhaqan.

Gaas ayaa London kaga qayb geli doona shir looga hadlayo maalgashiga Afrika oo dalal badan oo Afrikaan ah lagu casumay, haseyeeshee Soomaaliya oo dhan Puntland shirkaas uga qayb geli doonto.

Mudada Madaxweynaha Puntland ku sugan yahay dalka Ingiriiska wuxuu la kulmi doonaa madaxda Ingiriiska qaarkood isagoo kala hadli doona arimo ay kamid yihiin sidii xiriirka labada dhinac loo xoojin lahaa dowlada Ingiriiskuna Puntland uga taageeri lahayd dhanka horumarinta iyo ammaanka, sidoo kale wuxuu Cabdiwlei Gaas London kula shiri doonaa jaaliyadda reer Puntland ee dalka Ingiriiska ku nool.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo Khamiistii lasoo dhaafay ka duulay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, waxaa ku jira xubno ka tirsan Wasiirada iyo saraakiil madaxtooyada ka socda..

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM