Madaxweynaha Puntland oo gaarey magaalada London

Image

October 18, 2014 (GO)- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa maanta gaarey magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Heathrow kusoo dhoweeyey mas'uuliyiin ka tirsan dowlada Ingiriiska iyo xubno metelayey jaaliyadda reer Punltand ee dalkaas ku dhaqan.

Gaas ayaa London kaga qayb geli doona shir looga hadlayo maalgashiga Afrika oo dalal badan oo Afrikaan ah lagu casumay, haseyeeshee Soomaaliya oo dhan Puntland shirkaas uga qayb geli doonto.

Mudada Madaxweynaha Puntland ku sugan yahay dalka Ingiriiska wuxuu la kulmi doonaa madaxda Ingiriiska qaarkood isagoo kala hadli doona arimo ay kamid yihiin sidii xiriirka labada dhinac loo xoojin lahaa dowlada Ingiriiskuna Puntland uga taageeri lahayd dhanka horumarinta iyo ammaanka, sidoo kale wuxuu Cabdiwlei Gaas London kula shiri doonaa jaaliyadda reer Puntland ee dalka Ingiriiska ku nool.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland oo Khamiistii lasoo dhaafay ka duulay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, waxaa ku jira xubno ka tirsan Wasiirada iyo saraakiil madaxtooyada ka socda..

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM