Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay isu-soobax ka dhacay Galkacyo

Image

23 December, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka qayb galay isu soobax lagu lagu weynayay maalinta ku beegan dhalashada Nabigeenna NNKH taasoo ka dhacay magalada Galkacyo.

Gaas ayaa goobta dabaal daggu ka socda ka qaaday qasiido Nabi ammaan ah ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay kasoo qayb gal xafladdan, wuxuuna soo dhaweyay xuska bisha mowliid ee uu dhashay Nabi Muxamed NNKH.

Madaxweynaha ayaa culimaa'udiinka iyo dadka goobta isugu yimi ku booriyay inay horay u sii wadaan dabaal dagga isagoo ku tilmaamay ficil wanaagsan kaaso dowladdu ka qaadan doonto doorka kaga aaddan.

Culimaa'udiinka Somaliyeed qaybtood iyo bulshada ayaa wada dabaal dag lagu weynaynayo xuska maalintii uu dhashay Suubanaheenna NNKH.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM