Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Madax katirsan QM

Image
Image
Image
Image
Image
Image
GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda hay'adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayay Ku-xigeenka Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Peter De Clercq.
 
Madaxweyne Gaas iyo Clercq ayaa kawada hadlay arrimo ku aadan xaaladda bini-aadanimo ee Puntland iyo saamaynta Duufaanihii ka dhacay dalka.
 
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada waxaa lagu sheegay in kulanka madaxweyne Gaas iyo mas'uuliyiintaas lagu kala warqaatay xaaladda duufaanta iyo abaarihii ka dhacay Puntland, taasoo dowladdu sheegtay inay ka gurmatay.
 
Peter De Clercq ayaa socdaal kusoo maray gobollada Waqooyi ee Somaliland, halkaasoo ay saamayn xooggan ka gaysatay duufaantii Sagar.
 
Warar ayaa sheegayay in mas'uulkan uu madaxda labada dhinac kala hadlayay xiisadda ka taagan Tukaraq iyadoo shalay la hadal hayay inuu la kulmo shacabka Laas-caano.
 
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, oo shalay la hadlayay warbaahinta dowladda wuxuu mas'uulkan ugu baaqay inuu weydiiyo shacabka magaaladaas dhibaata Somaliland ku hayso islamarkaana uu booqdo xabsiyada oo uu sheegay inay ka buuxaan dad shacab ah.
 
Majirto cid si madax banaan u xaqiijisay in wafdiga Qaramada Midoobay kala hadleen Madaxweyne Gaas xiisadda ka taagan Tukaraq.
 
Peter De Clercq, waxaa ka horeeyay Michael Keating oo kaasoo u kala dab qaadayay labada maamul ka hor dagaalladii ka dhacay Tukaraq.
 
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ee looga hadlay kulanka mas'uuliyiinta Qaramada Midoobay iyo Madaxweyne Gaas.
 
 

 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM