Madaxweynaha Puntland oo lagu martiqaadey Koonfurta Galkacayo

Image

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayey ayaa saaka lagu martiqaadey Koonfurta magaalada Galkacayo oo ah halka maamulka Galmudug ka dagan yahay xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed oo waftigaas ku soo dhoweeyey halka uu ka dagan yahay Koonfurta magaalada Galkacayo ayaa madaxweyne Gaas iyo xubnihii weheliyey u kexeeyey hotel la yiraahdo Five Star halkaas ka Quracdeen.

Quraacdaan oo ay goob joog ahaa Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid iyo waftiyada kale ee ku mashquulsanaan maamlmihii la soo dhaafey dhexdgexaadinta colaada gobolka Mudug ayaa munaasabadaan ku abuurayay jawi labada dhinac isku aaminaan iyadoo wararka soo baxaya xusayaan in maanta qadada madaxweynaha Galmudug ku qadeynayo hoyga madaxweyne Gaas ka dagan yahay Woqooyiga magaalada Galkacayo.

Waxaa la qorsheynayaa in kulamo lagu kala qaadayo ciidamada labada maamul lagu qabto galinka dambe ee maanta 5 Dec, 2015 garoonka diyaardaha ee magaalada Galkacayo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM