Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho u dhoofaya maalinta berri

Image

17 October, 2015 (GO)- Madaxweynaha dolwada Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa waxaa la filayaa in maalinta berri ah u ambabaxo magaalada Muqdishu halkasso la sheegey inuu kaga qayb galyo kulan la sheegey in lagaga hadlayo doorashooyinka 2016.

Safarka madaxweynaha Puntland ayaa daba socda kulan horey loogu qabtey magaalada Muqdishu kaasoo ay qayb galeen madaxda dowlada Federaalka iyo maamulada ka jira dalka Somalia.

Kulankaan ayaa la sheegayaa in lagu daahfurayo wadaxaajood la rabo in laga galo qaabka ay u dhici doonto doorashooyinka la filayo in Somalia ka dhacaan sanadka 2016.

Magaalada Muqdishu ayaa waxaa ka dhacey 19- 21 September kulan madaxda Federalka iyo maamulada dalka ka jira isugu yimadeen waxaana kasoo baxey warmurtiyeedyo is-khilaafsan.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo la hadley saxaafada ayaa difaacey go'aamadii kasooo baxey kulankaas isaga oo isticmaaley kalmada ah in  shirkaas Puntland guul ka soo hoydey. Gaas Halkaan ka dhageyso

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM