Madaxweyne Deni oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Axad ah waxaa lagu soo dhaweeyay magaala madaxda Garowe.

Axmed Cilmi Cismaan, madaxweyne ku xigeenka iyo mas'uuliyiin kale oo labada heer ee dowladda ayaa goobjoog ka ahaa soo dhaweynta Deni.

Deni oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynaha wuxuu sheegay in uu u mahadcelinayo dhamaan dhinacyadda kala duwan ee qaabilay.

Intii uu hadaljeedinta wadday, Deni ayaa ku nuuxnuuxsaday in ay door fiican ka qaadanayaan dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Waddanka Kenya ayuu kasoo kicitamay halkaasoo uu booqasho shaqo ugu socdaalay kadib wadahadalka arrimaha doorashooyinka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM